Farmaajo oo caawa khudbad duuban ka jeedin doona shirweynaha Qaramada Midoobay

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa khudbad hore loo duubay ka jeedin doona shirweynaha 76-aad ee Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadal-jeedintiisaa duuban ee shirweynaha Qaramada Midoobay ee magaalada New York kaga hadli doona arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaalia, xaaladda Covid-19 iyo ilaalinta deegaanka iyo isbeddellada cimilada adduunka.

Madaxweyne Farmaajo iyo madax kale ayaa caawa khudbado hore loo duubay ka jeedin doona shirweynaha, sida lagu sheegay bogga inetnet-ka ee Qaramada Midoobay .


PUNTLAND POST