Fahad Yaasiin oo saaka diyaarad khaas ah gaysay Muqdisho

Agaasimihii hore ee hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka Soomaaliya, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir oo muddooyinkan joogay waddanka Turkiga, ayaa saaka dib ugu laabtay Muqdisho.

Wararku waxay sheegayaan, in diyaarad khaas ah Muqdisho keentay Mr. Fahad oo hadda ku magacaaban La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo.

Maalmo ka hor, diyaarad Turkiga ka soo qaadday Fahad Yaasiin ayaa saacado lagu xannibay caasimadda waddanka Jabuuti, waxaana dib loogu celiyay Turkiga.

Fahad Yaasiin ayaa laga sugaya in uu Golaha Amniga Qaranka la wadaago warbixin ku saabsan kiiska gabadhii la waayay ee Ikraan Tahliil Faarax.

PUNTLAND POST