Turkiga iyo Mareykanka oo ka wadahadlaya Xaaladihii ugu dambeeyey ee Afghanistan

Hoggaamiyaasha Mareykanka iyo Turkiga ayaa wadahadalo muhiim ah ka yeelanaya arinta wadanka Afghanistaan, si gaar ah Amniga Garoonka Magaalada Kabul.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ay ka mid tahay waxyaabaha ay madaxdaani ka wadahadli doonaan hubka Dowlada Turkiga ay  ka soo iibsatay Ruushka, kaasi oo sumadiisu ay tahay S-400.

Turkiga iyo Mareykanka ayaa Sanadihii dambe waxaa u dhexeeyey Khilaaf la xiriira dhinaca hubka iyo sida Turkiga uu ula macaamilayo Ruushka.

Xoghayaha Arimaha dibada Washinton Atoniyo Bilinken ayaa waxaa uu sheegay in Turkiga uu ugu baaqayo si deg deg ah xal looga gaaro kala aragti duwanaanta u dhexeeya labada dhinac.

PUNTLAND POST