
Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa dhaggax dhigay dayactir lagu sameynayo Buundooyinka wadada u dhexaysa Garoowe iyo Sin-u-jiif.
Qeybta dayactirka lagu sameynayo Wadadan waxaa ku jira 56 Buundo oo isugu jira kuwo yaryar iyo waaweyn.
Munaasabadda dhaggax dhiga waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha Howlaha Guud, Qorsheynta , Maaliyadda , Saraakiil Madaxtooyo iyo Shirkada dhismaha fulinaysa.
Ugu danbeyn Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa booqasho ku tegay magaalada Sin-u-jiif halkaasi oo uu inta uu joogay uu wakhti kula qaatay bulshada magaalada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.