Maxkamadda ICJ oo go’aan kama dambaysa ah ka gaaraysa dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caddaalada ee Adduunka ee ICJ ayaa shaacisay in 12-ka bisha soo socota ee October 2021 ay si rasmiya go’aan uga gaari doonto kiiska badda Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa isna sheegay in uu umadda Soomaaliyeed la wadaagayo warka ku saabsan in 12-ka October ay maxkamadda ICJ shaacin doonto xukunka dacwaddaas.

Waxaa farxad ii ah in aan Ummadda Soomaaliyeed la wadaago in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ay xukunka dacwaddii Badda ee Soomaaliya iyo Kenya soo saari doonto 12ka Oktober, 2021.” Ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Dacwadda muranka badda Soomaaliya iyo Kenya oo heerar kala duwan soo martay ayaa lagu wadaa in maxkamaddu go’aan kama dambays ah ka gaarto.

PUNTLAND POST