Khilaaf u dhexeeyay Qoor Qoor iyo Rooble oo xal laga gaaray

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa kulan ay yeesheen xalay lagu xaliyay sida la sheegay madmadowgii u dhaxeeyay Rooble iyo Qoorqoor.

Wararku waxay sheegayaan in labada mas’uul uusan xiiriirkoodu wanaagsanayn,tan iyo markii uu soo ifbaxay khilaafka Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Siyaasiyiinta qaar ayaa sheegay in madmadowga siyaasadeeed ee soo kala dhex galay Madaxweynaha Galmudug iyo Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda uu ka dhashay qaabka uu Qoorqoor u wajahay dhex-dhexaadnimadiisa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa waxaa lagu dhaliilay dhex-dhexaadintiisa, waxaana lagu tilmaamay nin dhan ka Farmaajo raacsan.

PUNTLAND POST