Madaxweynaha Dalka Turkiga oo u safray New York

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa Safar ugu baxay New York,halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka guud ee Qaramada Midoobay ee sanadkan.

Khudbaddii uu u jeediyay guddiga Qaramada Midoobay, Erdogan wuxuu yiri, “Waxaan xoogga saari doonaa taageerada xooggan ee Turkigu u hayo dhinacyo badan iyo yoolka ah in la sameeyo nidaam caalami ah oo caddaalad ah.”

Waxaan la wadaagi doonaa aragtideenna ku aaddan arrimaha muhiimka ah ee ajandaha Qaramada Midoobay. Fadhiga Golaha Guud, waxaan ku muujin doonaa sida aan u wajahayno caqabadaha halista ku ah dhammaan aadanaha ayuu Erdogan u sheegay wariyeyaasha garoonka Istanbul.

PUNTLAND POST