
Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed ayaa wax ka beddel ku sameeyay habraacii doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.
Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo dhawaan ka heshiiyay khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay ayaa maanta soo saaray habraac cusub oo lagu hagayo doorashada Aqalka Sare ee Somaliland.
Habraaca cusub waxaa lagu sheegay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay soo xulayaan musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare ee Somaliland, toos-na ugu gudbinayaan guddiga doorashooyinka heer Somaliland.
Waxaana meesha laga saaray hubintii Ra’iisul Waare Rooble ee ku jirtay habraacii ay Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen 22 August 2021.


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.