Muqdisho: Shirkii Amniga Qaranka oo dib loo dhigay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in dib loo dhigay shirkii amniga qaranka ee Fahad Yaasiin ka jeedin lahaa warbixinta kiiska Ikraan Tahliil.

Qoraal uu soo saaray Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdirashiid Xaashi ayaa lagu yiri “Shirkii Guddiga Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hore u iclaamiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu qabsoomo maanta oo ay taariikhdu tahay 18-09-2021 dib ayaa loo dhigay”.

“Waxaana idinla soo wadaagi doonnaa xilliga ugu habboon ee uu qabsoomi karo” ayaa qoraalka la raaciyay.

Baaqashada shirka ayaa la xiriirta markii shalay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin lagu xanibay Jabuuti, dibna loogu celiyay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga oo markii hore ka soo duulay.

PUNTLAND POST