Muddaraad xooggan oo xalay ka dhacay Laascaanood

Muddaharaad xooggan oo rabshado wata ayaa xalay ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool.

Dadweynaha degmada Laascaanood oo ka caraysan amni-darrada iyo dilalka qorshaysan ee magaalada ka socda ayaa muddaharaad ka sameeyay xaafadaha kala duwan degmadaas.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada Somaliland Rasaas u adeegsadeen kala eryidda muddaharaadka kadib markii dadka qaarkood taayiro ku gubeen laamiga bartamaha magaalada.

Sidoo kale, weli xaalad kacsanaan ah ayaa laga soo werinayaa gudaha Laascaanood waxaana waddooyinka lagu arkayaa askar ka tirsan ciidamada Somaliland.

PUNTLAND POST