Madaxweynaha Maraykanka oo beeniyay war laga faafiyay

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa todobaadkan beeniyey war lagu faafiyay warbaahinta, kaas oo sheegayay in uu kulan ka diiday dhiggiisa Shiinaha, Xi Jinping.

“Run ma ahan,” ayuu yiri Biden markii ay wariyeyaashu weydiiyeen inuu ka xun yahay in Xi uusan doonayn inuu la kulmo

La-taliyaha amniga qaranka ee Biden, Jake Sullivan, ayaa bayaan uu soo saaray isna ku sheegay in warbixintan “gabi ahaanba aysan ahayn sawirka sax ah oo ku saabsan wadahadalkii labada hoggaamiye’.

Safaaradda Shiina ee Washinton ayaan ka jawaabin mar la weydiiyay jiritaanka arrintan.

PUNTLAND POST