Yaa la siiyay Qandaraaska dhismaha Laamiga Jalam iyo Xarfo?

Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, oo safar shaqo maanta ku tegey degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal ayaa dhaggax dhigay Mashruuca dib-u-dhiska waddada isku xirta magaalada Jalam iyo degmada Xarfo.

Mashruuca dib-u-dhiska Waddada Jalam-Xarfo waxaa iska kaashanaya Puntland iyo Midowga Europe, wejiga koowaad la dhisaya 65KM taasi oo qorshuhu yahay in lagu dhameystiro muddo 8 bilood ah, sida ay sheegtay madaxtooyada Puntland.

Madaxweyne ku xigeenka waxa dhagax-dhiga ku weheliyay Wasiirka Qorshaynta Cabdiqafaar Cilmi Xange, Wasiirka Maaliyadda Xasan Shire Abgaal, Wasiirka howlaha Guud Axmed Bashiir Cirro , Maamulka Gobalka Nugaaal, kan degmada Burtinle iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa muujiyay muhiimada ay wadadan u leedahay isku xirka Gobolada Puntland, wuxuuna kormeeray Shirkadda dhiseysa isagoo warbixin ka dhegaystay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Masuuliyiinta gacanta ku haynaya dhismaha wadada inta uu socdo.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay in Qandaraaska dhismaha wadada ay ku guuleysatay shirkadda Isxilqaan oo ahayd shirkadii markii hore ku fashilmatay mashruucan, waxaana xusid mudan in aysan jiran tartan furan oo loo gelin shaqadan.

PUNTLAND POST