Xubno kamid ah Aqalka sare oo maanta lagu dooranayo Jowhar

Kuraas kamid ah doorashada Aqalka sare ee Hirshabeelle, ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Jowhar.

Saddex kursi ayaa sida qorshaysan maanta lagu tartami doonaa, iyadoo berrito la dhammaystiri doono doorashada Xubnaha Aqalka sare ee Hirshabeelle.

Kursiga ugu adag waxa ku tartami doona; Dr Cismaan Maxamuud Dufle, Amb. Maxamuud Axmed Nuur tarsan iyo Raage Xasan Xuute.

Kursiga labaad waxa ku tartamaya; Xasan Iidow Muxumed, Cabdinuur Ibraahim nuur iyo Cismaan Axmed Macow.

Kursiga saddexaad ayaa isna waxa ku tartamaya; Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdalle Xuseen Cabdi, Caasho Xuseen Abuukar, Cabdulahi tawaad iyo Cabdiqaadir Xanafi.

PUNTLAND POST