Ra’iisul wasaare Rooble oo qaabilsay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in labada mas’uul ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Tina Intelmann oo ay ka wada hadleen mashaariicda horumarineed ee Midowga Yurub ka taageero Soomaaliya iyo horumarrada laga sameeyey geeddi socodka doorashooyinka dalka ee uu hormuudka ka yahay Ra’iisul Wasaaruhu.”

PUNTLAND POST