Rag ka tirsanaa Sirdoonka Maraykanka oo qirtay in ay qarsoodi ula shaqayn jireen Imaraadka Carabta

Saddex sarkaal oo ka tirsanaan jiray hay’adaha Sirdoonka Maraykanka ayaa qirtay in ay si qarsoodiya ugu shaqeeyeen dowladda Imaaraatiga Carbeed si ay uga caawiyaan beegsiga macluumaadka Cadowga.

Waaxda Caddaaladda Mareykanka ayaa sheegtay in saddexdaan sarkaal ay aqbaleen in ay bixiyaan lacag dhan hal milyan iyo todobo boqol oo kun oo doollarka Mareykanka ah, si ay loo tuuro dacwado ay kusoo oogtay Waaxdaas.

Hey’adda Caddaaladda Mareykanka ayaa ku tilmaantay heshiiskaas kii ugu horreeyay oo noocsiisa ah.

 Marc Baier, Ryan Adams iyo Daniel Gericke ayaa lagu soo eedeeyay in ay maamulayeen hey’ad saldhigeedu yahay waddanka Imaaraadka, taas oo ka shaqeysa howlgallo lagu jabsado kambuyuutarrada iyo telefoonnada dadka kasoo horjeedda Imaaraadka.

Saddexdan sarkaal ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen xeerarka la xiriira macluumaadka iyo jabsashada kambuyuutarrada ee Mareykanka.

PUNTLAND POST