Puntland: Xirfadlayaasha Caafimaadka oo lagu amray in ay is diiwaan-geliyaan

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, ayaa mudda bil ah u qabtay dhammaan Xirfadlayaasha Caafimaadka ee ka hawlgala gudaha Puntland, si ay isu-diiwaan geliyaan.

Guddiga ayaa ku wargeliyay dhammaan Xirfadlayaasha Caafimaadka, in ay iska diiwaan-geliyaan xafiiska guddigaas ka hor 15-ka bisha October 2021.

Guddigu wuxuu sheegay in la hubinayo xirfadda iyo aqoonta dadka ka shaqeeya Arrimaha caafimaadka, si loo ilaaliyo bed-qabka bulshada.

Sidoo kale, guddiga ayaa tilmaamay in wixii ka dambeeya 15-ka October 2021 aysan Puntland ka hawlgeli doonin cid aan rukhsad ka haysan guddiga Xirfadlayaasha caafimaadka.

PUNTLAND POST