Madaxweynaha Galmudug oo kulan gaar ah la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kulan gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Kulanka oo ay Beesha Caalamka ku matalayeen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Ergeyga Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya iyo Danjirayaasha Midowga Yurub, Sweden, Norway, UK iyo diplomasiyiin kale ayaa ka dhacay Muqdisho.

Madaxweynaha iyo xubnaha beesha caalamka ayaa ka wada hadlay dardargelinta doorashooyinka, amniga doorashooyinka, xaqiijinta qoondada haweenka iyo taageerada beesha caalamka ee ku aaddan habsami usocodka doorashada.

Kulanka ayaa dhinaca kale looga hadlay arrimaha horumarinta Galmudug, amniga iyo la dagaalanka argagaxisada sidii beesha caalamku gacan uga geysan lahayd howlahaas lasoo xusay.

PUNTLAND POST