
Dr. Cismaan Maxamuud Dufle ayaa mar labaad loo doortay in uu ka mid noqdo xubnaha Hirshabeelle ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Dr. Dufle waxaa tartan adag la galay Raage Xasan Cismaan iyo Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna wareegii labaad ee doorashada 68 cod kaga guuleystay Raage Xasan.
Kursiga Dufle ku guuleystay oo ahaa mid kaliya ee caawa doorashadiisu ka dhacday Jowhar ayaa noqonaya kursigii afraad Aqalka Sare ee ay doortaan xildhibaannada Hirshabeelle.
Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle ayaa lagu wadaa in berri oo Khamiis ah la soo gabagabeeyo oo la doorto 4-ta kale ee kursi.
Doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle waxaa mid hufnaanta iyo kala aragti duwanaanta siyaasadeed kaga duwan doorashooyinkii kale Aqalka Sare ee dowlad goboleedyada.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.