Agaasimaha Ra’iisul wasaare Rooble u magacaabay Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) ayaa isna Maanta magacaabay Taliyaha Hay’adda NISA ee Gobolka Banaadir.
Wareegto ka soo baxday Agaasime Goobe ayaa Gaashaanle Muxiyadiin Maxamed Jimcaale (Warbac) lagu magacaabay Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir, waxaana ogaysiin la siiyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Finish.
Bashiir Goobe ayaa ku amray dhammaan Agaasinada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in ay shaqadooda gutaan, islamarkaana la shaqeeyaan Taliyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Banaadir.
Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka ee NISA, waxa ka jirta xiisad ku salaysan Hoggaanka Hay’adda kadib markii Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble midba Agaasime u magacaabay.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.