Xiisad dagaal oo ka aloosan xarunta hay’adda NISA ee Muqdisho

Xiisad dagaal ayaa maanta ka aloosan xarunta hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka NISA ee magaalada Muqdisho.

Xiisaddan ayaa ku salaysan khilaafka madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble oo laba taliye u magacabay hay’adda NISA, islamarkaana aan weli xal loo helin murankaas.

Wararku waxay sheegayaan in gaadiid dagaal uu buux dhaafiyay albaabka laga ilaaliyo xarunta hay’adda NISA kadib markii uu halkaas ciidamo geeyay taliye Yaasiin Faray oo madaxweyne Farmaajo magacaabay.

Cabsi xooggan ayaa laga dareemaya xarunta NISA iyo nawaaxigeeda halkaas oo ay isku hor-fadhiyaan ciidamo kala taabacsan dhinacyada ku muransan hoggaanka hay’adda Sirdoonka dalka.

PUNTLAND POST