Muuse Suudi oo kursigiisii difaacday

Muuse Suudi Yalaxow ayaa mar labaad loo doortay xubin ka mid ah xubnaha Hirshabeelle ku matala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Muuse Suudi oo tartan adag la galay saddex musharax oo kale ayaa wareegii labaad 55 cod kaga guuleystay Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo helay 44 cod.

Muuse Suudi ayaa noqday xildhibaankii ugu horraysay Aqalka Sare ee caawa lagu doorto magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabeelle.

Muuse Suudi oo ka mid ahaan jiray hogaamiye kooxeedyadii ugu tunka waynaa Muqdisho, ayaa hadda ka mid ah xubnaha ugu mayalka adag mucaaradka.

Muuse: Waxaan ku faraxsanahay kursiga in aan Malxiis laygu siin.

Kursi labaad ee doorashad Aqalla Sare Hirshabeelle waxaa ku guuleystay Nuur Maxameed Geedi Canjeex oo helay 70 cod, halka musharaxiin la tartamayay Maxamed Cismaan Dhagajuun uu helay 27 cod.

Kursi saddexaadna waxaa ku guuleysatay Fartuum Aadan Karaama oo noqotay haweynadii ugu horreysay ee ku soo baxda doorashada Aqalka Sare ee Hirshabeelle.

Xubnaha kale Aqalka Sare ee ay dhiman tahay doorashadoodu ayaa lagu wadaa in berri la doorto

PUNTLAND POST