Maxay ka wadahadleen Rooble iyo mucaaradka?

Midowga Musharrixiinta ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Somaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta ahna Madaxweynihii hore Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hoggaaminayay xubnaha Midowga Musharrixiinta ee la kulan Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xisbiga Himilo Qaran ee hoggaamiyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa qoraal ka soo baxay lagu sheegay in xubnaha Midowga Musharrixiinta iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka, maareynra kala aragti duwanaanta siyaasadeed iyo kiiska Ikran Tahlil.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku yiri “Waxaan maanta kulan mira dhal ah la yeelannay Raysalwasaare Rooble. Waxaan ka wadahadalnay sidii uu kiiska Ikraan Tahliil ku heli lahaa caddaalad, looguna simi lahaa hay’adaha garsoorka, in la dardar la geliyo arrimaha doorashooyinka iyo in la qaboojiyo xasaradda”.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa weli ka hadlin kulanka uu la qaatay Midowga Musharrixiinta oo ku soo aaday xili xasaasiya.

PUNTLAND POST