Gabdho Soomaaliyeed oo lagu dilay waddanka Austria

Xaafad ka tirsan magaalada Vienna ee waddanka Austria, ayaa laga helay maydka laba gabdhood oo Soomaali ah sida laga soo xigtay Booliiska magaaladaas.

Marxuumiinta ayaa magacyadooda lagu sheegay Shukri Axmed Abtidoon iyo Faaduma Maxamed Xirsi, waxaana dilkooda lala xiriiriyay nin Soomaali ah oo midkood qabay.

Booliiska Austria ayaa xabsiga dhigay ninka lagu tuhmay dilka gabdhaha, si baaritaan loogu sameeyo, kadibna maxkamad loo hor-geeyo.

Eedaysanaha oo aan weli magaciisa la shaacin ayaa sidoo kale looga shakisanyahay, in uu isticmaalay Khamri ka hor inta uusan dilka gaysan.

PUNTLAND POST