Madaxda Gobolka Sool oo Cabsi ay soo Foodsaartay

Laascaanood (Wararka PP) — Bil gudaheed waxay dabley aan la garanayn ku dileen Laascaanood madaxii guddiga doorashooyinka ee Sool iyo xubin ka tirsan golaha degaanka degmada. Dilalkan qorsheysani waxay cabsi badan u keeneen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka iyo xisbiyada Somaliland ee ku sugan Laascaanood.

“Maamulka gobolku awood uma laha inuu ilaaliyo mas’uul kasta” ayuu yiri ganacsade ku sugan Laascaanood oo codsaday in aan magaciisa la sheegin. Wuxuu intaas ku daray in dilayaashu heleen hab ay cabsi ugu abuuraan dadka la shaqeeya maamulka Somaliland.

“Xubno ka mid ah golaha degaanka Laascaanood ayaa Duqa Magaalada Cabdiraxiim Cali Qase ka codsaday inuu u helo ciidan ilaaliya iyaga 24 saac. Wuxuu u sheegay inuusan awoodin inuu u helo askar ilaalisa siyaasiyiinta xisbiyada iyo shaqaalaha gobolka” ayuu ganacsaduhu u sheegay Puntland Post.

Lama hayo cid sheegatay dilalka dhacay ilaa hadda. Cali Cantar, xildhibaan ka tirsan golaha wakiillada Somaliland, ayaa telefishinka Saab u sheegay in Laascaanood noqotay kawaanka siyaasiyiinta iyo hawlwadeennada gobolka ka soo jeeda.

© Puntland Post, 2021