Farmaajo oo guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax ee ku xardhan khilaafka isaga iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa qoraal uu maanta soo saaray ku magacaabay guddi qaran oo baara kiiska Ikraan, kaas oo ka kooban 5 xubnood:

Guddiga waxaa guddoomiye u ah xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, waxaana kamid ah xeer ilaaliyaha ciidamada qababka sida, taliyaha ciidamada booliska, taliyaha ciidamada xoogga iyo taliyaha NISA ee lagu muransan yahay.

PUNTLAND POST