
Golaha Wadatashiga Qaran ee ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa maanta kulan la yeeshay wafdi ay hoggaamineysay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Marwo Amina Jane Momamed.
Kulanka oo Muqdisho ka dhacay waxaa goobjoog u ahaa Ra’iisul Wasaare Rooble iyo qaar kamid ah golihiisa wasiirada, madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, halka madaxweynayaasha Puntland, Jubaland iyo Hirshabeelle ay uga qaybgaleen habka fogaan araga ee Internetka.
War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.




PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.