Deni oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyay

Cabdi Siciid (bidix), Buraale (dhexda) iyo Diinaari (midig)

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii gobolka Karkaar Siciid Maxamed Faahiye.

Madaxweyne Deni ayaa guddoomiyaha cusub ee gobolka Karkaar u magacaabay Cabdi Siciid Cismaan oo ahaa duqa degmada Qardho.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa wareegto uu soo saaray ku kala diray golaha deegaanka degmada Qardho oo muddo xiliyeedkoodu dhammaaday.

Madaxweyne Deni ayaa Maxamed Faarax Cabdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah ugu magacaabay guddoomiyaha degmada Qardho, sidoo kale wuxuu Maxamuud Maxamed Ciise (Diinaari) u magacaabay guddoomiye ku-xigeen.

Qardho ayaa ka mid ah saddexda degmo Puntland ee la filayo in ay doorashooyin gole deegaan oo qof iyo cod ah ka dhacaan bisha soo socota ee October.

PUNTLAND POST