
Warbaahinta Qaranka ee ku hadasha afka dowladda federaalkka Soomaaliya ayaa dib u bilowday baahinta wararka la xiriira xafiiska madaxweyne Farmaajo oo ay dhawaan joojisay.
Warbaahinta Qaranka ayaa caawa baahisay/daabacday warar la xiriira Agaasimaha cusub ee madaxtooyada Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali oo dhawaan madaxweyne Farmaajo magacaabay, kaas oo maanta xilka la wareegay.

Warbaahinta Qaranka ayaa maalmo ka hor laga masaxay/tirtiray wareegto uu madaxweyne Farmaano ku magacaabay Agaasimaha cusub ee madaxtooyada iyo la-taliyaha amniga qaranka Fahad Yaasiin.
Khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa saameeyay Warbaahinta Qaranka, kadib markii ay la safatay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay joojisay wararka madaxweynaha.
Dib u bilaabitaan baahinta wararka la xiriira madaxweyne Farmaajo ee warbaahinta Qaranka ayaa ku soo aadaysa, iyadoo ay socdaan wadahadalo lagu dhexdhexaadinayo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.