
Madaxweynayaasha dowlada goboleedyada Galmudug iyo Koonfur Galbeed oo dhexdhexaadinayay madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku guuleystay in ay markii ugu horreysay isu keenaan labada mas’uul oo maalmihii la soo dhaafay khilaaf xoogan ka dhexeeyay.
Waxaana hadda kulan gaara oo albaabadu u xiran yihiin u socdaa madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo ay uga wadahadlayaan qodobada khilaafku ka taagan yahay.
Kulankan waxaa ka horreeyay kulan kale oo ka dhacay xarunta madaxtooyada oo la isugu keenay labada mas’uul, kaas oo laga gaaray sida wararku sheegayaan is afgarad hordhac ah, waxaana kulankaas ka qeybgalay madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, madaxweynaha Koonfur Galbeed Laftagareen iyo wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
Madaxweyne Farjaamo iyo Ra’iisul Waaasre Rooble waxaa khilaafkooda xudun u ah hay’adda NISA iyo kiiska Ikraan Tahliil Faarax.
Farmaajo ayaa wararku sheegayaan in uu ogolaaday in Taliyaha KMG ah ee NISA uu noqdo Bashiir Goobe, halka Ra’iisul Wasaare Rooble uu ogolaaday sida wararku sheegayaan joojinta dacwada kiiska Ikraan Tahliil.
Weli ma jiro is afgarad rasmi ah oo ka soo baxay wadahadalada ay garwadeenka ka yihiin Qoorqoor iyo Laftagareen.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.