Waan-waan hordhac ah ayaa laga gaaray colaaddii ka aloosnayd tuulooyinka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, sida ay Puntland post u xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Guddi ka kooban labada dhinac oo ku hawllan xallinta colaaddaas, ayaa go’aamiyay in maalinta berri ah la kala qaado malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Finley, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.
Dhinacyada hubaysan midkood, ayaa sida qorshaysan la gayn doonaa balli lagu magacaabo Godimaale oo ka tirsan tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga Laamiga.
Sidoo kale, Dhinaca fadhiya Sanga-jebiye ayaa iyana la gayn doonaa degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.
Tallaabadaas kadib, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas oo ku salaysan muranka dhuleed.
PUNTLAND POST