
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sida la filayo todobaadkan socdaal ku tegi doona magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.
Degmada Qardho, waxay kamid tahay saddexda degmo ee dhowaan laga qabanayo doorashooyinka hordhaca ah ee golayaasha degaanka oo ku salaysan hannaanka xisbiyada badan.
Wararku waxay sheegayaan in madaxweynuhu halkaas u tegayo olole siyaasadeed, kadib markii uu ka cabsaday in urur siyaasadeedka xukuumadda looga guulaysto degmada Qardho.
Madaxweyne Deni, ayaa doonaya in uu Qardho ka bilaabo ololaha urur siyaasadeedkiisa Kaah ee ku wajahan doorashada hordhaca ah ee golayaasha degaanka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.