
Wararka ka imanaya magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in caawa halkaas lagu dilay Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) oo ka mid ahaa xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmadaas.
Xidlhibaanka ayaa la sheegay in ay dabley hubeysan ku toogteen meel ku dhow gurigiisa, waxaana la soo werinayaa in ay baxsadeen dableydii dilka geystay.
Marxuum Cabdirisaaq Axmed Cilmi (Cardoofe) ayaa ka mid ahaa xubnihii golaha deegaanka degmada Laascaanood ee ka soo baxay xisbiga mucaaradka Waddani.
Ma jiro weli war ka soo baxay maamulka Somaliland oo looga hadlay dilka xildhibaanka ka tirsan golaha deegaanka Laascaanood.
Magaalada Laascaanood ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dilalka qorsheysan oo loo geysanayo mas’uuliyiinta dowladda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.