Rooble oo xilka ka qaaday wasiirkii Amniga, una magacaabay xubin ka mid ah mucaaradka

Xildhibaan Cabdullaahi (bidix) iyo Xundubey (midig)

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa goordhaweyd xilka ka qaaday Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Jimcaale , wuxuuna xilkaas u magacaabay xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Madasha Badbaado Qaran ee mucaaradka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Mohamed Hussein Roble oo tixgelinaya baahida loo qabo dardargelinta howlaha amniga dalka, tayeynta Hay’ddaha aminga iyo howlaha Baaxadda leh ee horyaalla XFS, waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 08/09/2021 Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur u magacaabay Wasiirka Amniga Gudaha”.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay wasiirkii hore ee Amniga Gudaha Mudane Xasan Xundubey Jimcaale shaqadii wanaagsaneyd ee uu soo qabtay muddadii uu xilka hayay” ayaa qoraalka la raaciyay.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa khilaafkoodu cirka isku shareeray saacadihii ugu dambeeyay markii ay soo saareen waraaqo iska soo hor-jeeda.

PUNTLAND POST