Magacaabistii Farmaajo oo laga masaxay warbaahinta dowladda

Warbaahinta ku hadasha afka dowladda Soomaaliya ayaa laga masaxay/tirtiray wareegtadii magacaabista ee madaxweyne Farmaajo.

Bogga Facebook-ga ee Telefishinka Qaranka Soomaaliya oo markii hore lagu daabacay qoraalka madaxweyne Farmaajo ayaa isla markiiba laga tirtiray.

Sidoo kale qeybaha kale ee baahineed ee dowladda sida Sonna iyo Radio Muqdisho ayaa baahin qoraalka uu madaxweyne Farmaajo ku magacaabay Lataliyaha Amniga Qaranka, Kusimaha NISA iyo Agaasimaha Madaxtooyada.

Shaqaalaha warbaahinta dowladda ayaa amar lagu siiyay in aysan baahin wareegtada madaxweyne Farmaajo, halka kuwii xafiiska madaxweynaha qaabilsanaa lagala noqday doorkii ay lahaayeen, sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen qaar ka mid ah shaqaalaha warbaahinta dowladda.

Warbaahinta dowladda oo hoostaga wasaaradda warfaahinta ayaa waxaa saameeyay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya madaxda dalka.


PUNTLAND POST