Madaxweyne Deni oo maanta Gaalkacyo tegaya

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta tegaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweyne Deni, oo muddooyinkii u dambeeyay safar ku joogay magaalada Nairobi ee caasimadda waddanka Kenya, ayaa saaka soo dhowayntiisu ka socota Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sida qorshaysan xarigga ka jaraya garoonka kubadda Cagta Gaalkacyo ee Cawaale Studium oo si casriya loo dhisay.

Sidoo kale, wuxu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Odayaasha dhaqanka iyo bulshada kala duwan ee Gaalkacyo.

Wararku waxay sheegayaan, in uu sidoo kale kormeer ku tegi doono dhismaha dekedda Garacad oo meel wanaagsan maraya.

PUNTLAND POST