Madaxweyne Deni oo Galabta xariga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaaa Galabta si rasmiya xariga uga jaray garoonka Ciyaaraha Gaalkacyo ee Cawaale Stadium, oo hab isku-tashi ah lagu dhisay.

Madaxweyne Deni oo ka soo laabtay safar uu muddooyinkii u dambeeyay ku joogay magaalada Nairobi ayaa saaka gaaray magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha ayaa sida lagu wado Gaalkacyo ka bilaabi doona kulamo kala duwan oo uu la qadanayo Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada magaaladaas.

Sidoo kale, waxa la filayaa in kormeer ku tegi doono dekedda magaalada Garacad oo dhismaheedu meel wanaagsan marayo.

PUNTLAND POST