
Madaxweynaha Soomaaliya Maxmed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Fahad Yaasiin Xaaji Daahir u magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka, kadib markii la sheegay in uu iska casilay agaasimihii NISA.
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud (Yaasiin Farey), oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee gobolka Banaadir si KMG ah ugu magacaabay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
La-taliyihii Amniga Qaranka, Cabdisaciid Muuse Cali ayaa isna loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ayaa isugu yeeray Guddiga Amniga Qaranka 18-ka Sebteembar 2021, si looga horjeediyo warbixinta kiiska Ikraan Tahliil ee laga dalbaday Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.