Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa baaq nabadeed u diray maleeshiyo beeleed ku dagaalamaya deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Madaxweynaha ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah, waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, isla markaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.
Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay Maamulka Gobolka, Hay’addaha Amniga, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Hiiraan in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.
Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal xoogan oo saacadihii lasoo dhaafay laba maleeshiyo beeleed ku dhexmaray deegaanka kabxanlay ee Waqooyiga Magaalada Beleddweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
PUNTLAND POST