Beesha Caalamka oo ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil iyo xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay

Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan in muranka ku gedaaman kiiska Ikraan Tahliil Faarax uu abuuro xiisado siyaasadeed oo saamayn ku yeesha hannaanka doorashada dalka iyo habsami u socodka shaqada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

War-saxaafadeed wadajir ah oo Beesha Caalamka soo saartay ayey madaxda Soomaalida ugu baaqeen in ay dejiyaan iska horimaadka siyaasadeed ee ku gedaaman baaritaanka kiiska Ikraan iyo sidoo kale in ay ka wada shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa hirgelinta heshiiskii 27-kii bishii Maajo ee ku aaddan qabsoomidda doorashooyinka.

Sidoo kale Beesha Caalamka waxay codsatay in si degdeg ah loo xalliyo khilaafka, oo ay ku jirto baaritaan lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan waayitaanka Ikraan iyo dhammaystirka geeddi socodka doorashada, iyada oo aan dib u dhac kale dhicin.

War-saxaafadeedka waxaa soo wada saaray Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Kenya, Netherland, Norway, Poland, Qatar, Ruushka, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST