
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta la kulmay taliyaha uu sida KMG ah ugu magacaabay NISA, hoggaanka maxkamadda ciidammada qalabka sida iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray xeer ilaalinta iyo maxkamadda ciidammada qalabka sida in ay baaritaan rasmi ah oo degdeg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Agaasimaha uu u magacaanay NISA Bashiir Goobe iyo taliyeyaasha nabad-sugidda iyo booliska gobolka Banaadir in ay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.
Kulanka uu Ra’iisul wasaare la qaatay Gen. Bashiir Goobe iyo saraakiisha kale ayaa ku soo aadaya, iyadoo madaxweye Farmaajo diiday shaqo joojintii Fahad Yaasiin.





PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.