Fahad Yaasiin oo shaqo joojin lagu sameeyay iyo Bishiir Goobe oo KMG loogu magacaay NISA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka SoomaaliyaMaxamed Xuseen Rooble ayaa shaqada ka joojiyay Agaasimihii Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa si ku meel gaar ah Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ugu magacaabay Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) oo hadda ahaa Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Rooble ayaa faray Fahad Yaasiin in uu muddo saddex berri ah xilka ku wareejiyo Agaasimaha ku meel gaarka ah ee la magacaabay.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida in baaris rasmi ah oo dhameystiran ku sameeyo kiiska Ikraan Tahliil, kadibna u gudbiyo maxkamad sharci ah oo awood u leh.

Shaqo joojinta Fahad Yaasiin ayaa timid kadib markii uu codsaday in uu warbixinta kiiska Ikraan ee Ra’iisul Wasaare Rooble faray uu ka hor akhriyo Golaha Amniga Qaranka.

PUNTLAND POST