
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax iyo xubno ay ku jiraan odayaal dhaqan.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in qoyska Ikraan ay helaan caddaalad, isla markaana uu qaadi doono tallaabooyin laga maarmaan ah, si uu u xaqiijiyo arrintaas.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo dadka aan waxba galabsan ee ku afduuban magaalada Beledweyne.

War ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la kulmay qoyska Ikraan Tahliil Faarax oo ay wehliyaan Ugaas Cabdiraxmaan Ugaas Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan ehelada Ikraan isagoo la wadaagay dareenkiisa iyo sida uu uga xun yahay dhibka ku dhacay gabadooda”.
“Ra’iisul Wasaaraha ayaa mar kale u xaqiijiyay qoyska Ikraan sida ay uga go’an tahay ay helaan caddaalad, uuna qaadi doono tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si arrintaas loo xaqiijiyo, waxa uuna ku baaqay in si degdeg ah loo siidaayo dadka aan waxba galabsan ee la afduubtay” ayaa la sii raaciyay.
Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku afduuban dad shacab ah oo ay isku beel yihiin Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.