Jadwalka doorashashada Baarlamanka Soomaaliya oo la shaaciyay

Guddiga doorashooyinka heer federaal ee FEIT ayaa soo saaray jadwalka doorashada Baarlamanka Soomaaliya.

Sida ku cad jadwalkaan xalay ka soo baxay guddiga doorashooyinka heer federaalka doorashada golaha Aqalka Sare ayaa la qorsheeyey in lasoo gabagabeeyo 18-ka bishaan September.

Sidoo kale 25-ka bishaan ayaa la guda gelayaa diyaarinta iyo diiwaan gelinta guddiga soo xulaya ergooyinka iyo musharaxiinta xildhibaanada golaha shacabka.

1-da bisha October ayaa lagu sheegay jadwalkaan inay bilaabaneyso doorashada xildhibaanada golaha shacabka, iyadoo lasoo gabagabeyn doono 20-ka bisha November.

Ugu dambeyntii 25-ka November waxaa bilaabanaya shahaado bixinta xubinimada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST