
Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ay dileen Al-shabaab Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa codsaday in warbixinta uu dalbaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee kiiska Ikraan Tahliil uu ka horjeediyo shir ay ku wada dhanyihiin Golaha Amniga Qaranka.
Fahad Yaasiin oo warqad qoraal ah maanta ku diray Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa yiri “anagoo fulinayna amarkaaga, maanakana ku hayna xasaasiyadda kiiska sarkaal Ikraan Taliil oo noqotay mid heer qaran, gudanayana waajibka naga saaran amniga qaranka, fahansanna in dhacdadaan ay si toosa iyo si dadban u quseyso xafiisyo iyo hay’ado kale duwan oo dowladda ka wada tirsan, xaqna u leh inay ogaadaan xaqiiqda dhacdadaan iyo xogta ay xambaarsan tahay warbixitaan aad naga dalbatay, ayaan waxaan si sharaf leh kaaga codsanaynaa in aan warbixintaan ka horjeedino Golaha Amniga Qaranka oo wada dhan, oo ay xubno ka yihiin hay’addaha iyo xafiisyada ay arrintan quseyso”.
“Si taasi ay u fusho, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, waxay codsi rasmi ah u dirtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya inuu fursad noo siiyo qabsoomidda shirka Golaha Amniga Qaranka, maadaama uu yahay guddoomiyaha Golaha Amniga Qaranka, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida” ayuu qoraalka raaciyay.
Fahad Yaasiin ayaa qoraalka uu u diray Rooble ku soo gabagabeeyay “Mudane Ra’iisul Wasaare waxaan ku kalsoonahay in aan la wadaagayno Golaha warbixinta buuxda oo daaha u furaysa xaqiidada, halkaasna lagu gaaro go’aan taabanaya dhamaan hay’adaha uu quseeyo kiiskan”

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.