Faahfaahin ka soo baxaysa weerar xalay lagu qaaday Jowhar

Faahfaahin dheeriya ayaa ka soo baxaysa weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo habeenimadii xalay lagu qaaday Magaalada Jowhar.

Goob-joogayaal ayaa laga soo xigtay in tirro hoobiyeyaal ah ay ku dhaceen qeybo ka mid ah Magaalada Jowhar, gaar ah agagaarka Xarunta madaxtooyada, Xaruntii UNICEF, Dugsiga Sheekh Xanafi iyo goobo kale.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa waxaa ay ku warrameen in xalay ay maqlayeen jugta Madaafiicda oo kusoo dhaceysay xaafadaha magaalada Jowhar, isla markaana ay dareen cabsi xoogan.

Weli si rasmiya looma oga khasaaraha ka dhashay hoobiyeyaashii xalay lagu weeraray Magaalada Jowhar , mana jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga Maamulka oo ay uga hadlayaan weerarka.

PUNTLAND POST