Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo heshiis ka gaaray khilaafkii Arrimaha doorashada

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa heshiis ka gaaray khilaafkii Arrimaha doorashada ee ka dhexeeyay labadaas mas’uul.

Labada dhinac ayaa soo bandhigay heshiis ka kooban afar qodob oo ay ka gaareen khilaafkii ka taagnaa doorashada xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Somaliland.

Qodobka ugu muhiimsan Heshiiskan ayaa dhigaya in la mideeyo guddoonka iyo xubnaha guddiga doorashada gobollada waqooyi islamarkaana labada mas’uul ee Mahdi iyo Cabdi xaashi kala qaataan guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka guddigaas.

Hoos ka akhriso Heshiiska

PUNTLAND POST