saddex xildhibaan oo ku dhaawacmay weerar ka dhacay Jowhar

Weerar loo adeegsaday bambo gacmeed oo ay ku dhaawacmeen Saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeelle ayaa xalay ka dhacay magaalada Jowhar.

Weerarka bambo gacmeedkaa halka lagu tuuray ayaa ah  xaafad ay si weyn u degen yihiin musharaxiinta iyo xildhibaanada baarlamaanka ayna ka fogeyn hotelada waaweyn ee magaalada.

Xaaladda Caafimaad ee xildhibaanada ayaa la sheegay in ay soo hagaageyso , waxaa la sheegay in dhaawacyadooda ay fudud yihiin.

Howlgalo dadka guryaha loogu galayo ayaa saakay oo sabti ah ka socda xaafadda Hanti-wadaag gaar ahaan laanta koowaad ee magaalada Jowhar halkaas oo uu xalay ka dhacay Qarax bam gacmeedka.

PUNTLAND POST