Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa u sheegay madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy in Maraykanka ay ka go’an tahay in uu Ukraine ka taageero ilaalinta xuduudaheeda
Madaxweyne Biden ayaa soo gudbiyey 60 bilyan oo dollar oo taageero dhinaca amniga ah, xilli Ukraine ay la tacaalayso xad-gudub kaga imanaya Ruushka.
Biden ayaa kulan uu Aqalka Cad kula qaatay madaxweynaha Ukraine ka sheegay in Maraykanka ay ka go’an tahay madax banaanida dhuleed ee Ukraine, xilli ay uu dalkaasi xad-gudub kala kulmayo Ruushka.
Labada hogaamiye oo markii ugu horeysay kulmay illaa markii Biden uu xilka la wareegay ayaa sidoo kale waxaa ajendahooda ku jiray ka hadalka mashuuca dhuumaha saliidda ee Nord Stream 2.
PUNTLAND POST