Galmudug oo xaqiijisay in Ciidamada Puntland ku biireen dagaalka Koonfurta Mudug

Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa xaqiijisay in Ciidamo ka tirsan PSF-ta Puntland ku biireen dagaalka ka socda koonfurta Gobolka Mudug.

Wasiir ku-xigeenka Amniga Galmudug, Cabdullaahi Cabdisalaan oo la hadlay Wakaalada Wararka Reuters ayaa u sheegay in ciidanka Puntland ay ku biireen dagaalka, si qeyb uga noqdaan xoraynta degaannada Al-shabaab ka haysato Galmudug

Wasiirka ayaa sheegay in sababta Ciidanka uga dalbadeen Puntland ay tahay in ay khibad u lee yihiin la dagaalanka Al-shabaab, isla markaana ay doonayaan inay ka caawiyaan sidii dhulka Shabaab ka heysato Galmudug looga saari lahaa.

Maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe dagaal adeg kula jiray Al-shabaab, waxaana dhinacyada dhexmaray dagaalo kala duwan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalena dhinacyada ay kala qabsadeen degaano dhowr ah.

PUNTLAND POST