Ciidamada Puntland oo ku biiray gulufka dagaal ee ka socda Galmudug

Cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Puntland ee PSF ayaa saacadihii la soo dhaafay ku biiray gulufka ciidan ee ka dhanka ah Al-shabaab, kaas oo ka socda dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidanka Daraawiishta Galmudug, oo ay weheliyaan cutubyo ka tirsan kumaandada PSF iyo ciidamada dowladda Federaalka, ayaa ku jihaysan degaannada Al-shabaab kaga sugan yihiin koonfurta Gobolka Mudug.

Saraakiil ka tirsan Puntland oo warkan xaqiijiyay, ayaa sheegaya in ciidamadu ku wajahan yihiin degaannada Bacaadweyne iyo Cammaara oo ka tirsan koonfurta Mudug, halkaas oo Al-shabaab dib u qabsadeen.

26-kii Agoosto 2021, Al-shabaab ayaa dib u qabsaday Bacaadweyne iyo Cammaara, kadib markii ay ka baxeen ciidamada dowladda Federaalka iyo Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo horay Al-shabaab uga saaray degaannadaas.

PUNTLAND POST